(Paris) 02 Nof 2019. Hooyada dhashay xiddiga reer Portugal iyo kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ee Maria Dolores dos Santos Aveiro ayaa si cad u sheegtay inay jiraan qolooyin maafiyo ah ee u diiday wiilkeeda inuu ku guuleysto abaal-marino Ballon d’Or in ka badan inta uu haatan ku guuleystay.

Maria Dolores dos Santos Aveiro ayaa aaminsan inay jirto fikrado shirqool ah oo looga soo horjeedo Cristiano, waxayna sidoo kale aaminsan tahay in wiilkeeda uu ku guuleysan lahaa abaal-marino ka badan inta uu ku guuleystay xirfaddiisa ciyaareed ee kubadda cagta haatan, laakiin maadaama uu u dhashay Portugal ay ka hor istaagtay arrintaas.

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ayaa Wareysi ay ku bixisay Radio Monte Carloee dalka Faransiiska waxay ku sheegtay:

“Waxaa jirta mafiya maamusha kubadda cagta, erayadan waa waxa kaliya ee aan ku tilmaami karo arrintaas, marka aad ogaato wax walba ee dhacaaya, waxaad aamineysaa arrintan”.

“Mafiyadan ayaa ka dambeysa wax walba oo dhaca, waana sababta kaliya ee Ronaldo loogu diidayo inuu ku guuleysto abaal-marino badan oo Ballon d’Or ah”.

“Tani waxay ku dhacday Cristiano, maxaa yeelay isagu waa Portugal, haddii uu ahaan lahaa Spain ama England, sidaas laguma sameyn lahayn”.

“Cristiano Ronaldo wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto abaal-marintiisa 6-aad ee Ballon d’Or in, ma aqaano inta uu heli karo sanadkan, laakiin hadii aan falanqeynno wixii uu qabtay xilli ciyaareedkii hore, wuu u qalmaa”.

Haddalkan ka soo heeray hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ayaa waxay cadaadis saareysaa majalada France Football, gaar ahaan maadaama Lionel Messi iyo Virgil van Dijk ay yihiin kuwa ugu cad-cad ee ku guuleysan kara abaal-marinta Ballon d’Or 2019, sababa la xiriira qaab ciyaareedkooda fiicnaa ee sanadka oo dhan.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here