Ma jirto taariikhda in laba ciyaartoy kaliya ay masraxyada kubadda cagta ku tartamaan wax ka badan 10-sanadood, balse Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa sameeyay kuwaas oo muujiyay sida ay uga sarreeyaan xiddig walba oo jiilkooda ah.

Labadaan ciyaartoy waxaa dhexmaray xifaaltan aan caadi aheyn, inkastoo dooda ku saabsan cidda ah kan ugu wanaagsan kubadda cagta wakhtigaan wali lagu kala aragti duwan yahay, hadana Carlos Tevez ayaa sharraxay farqiga labadaan ciyaartoy u dhaxeeya markey noqoto dhanka tababarka.

Carlos Tevez wuxuu qolka labiska la wadaagay Ronaldo laba sanadood oo ay wada joogeen Man United halka uu Messi la wadaagay qolka labiska Argentina wakhti badan.

Xiddigii hore kooxo badan oo yurub ah (Tevez) wuxuu ka dhawaajiyay in Ronaldo uu heerkaan ku gaaray shaqada adag, halka Messi uu yahay shaqsi u sameysan inuu kubadda cagta ka sameeyo wixii uu doono.

“Maalintii oo dhan wuxuu wakhtigiisa u bixiyaa xarunta jirdhiska, waana wax lagu jahawareero, waan xasuustaa marka aan rabno inaan tababarano 9-ka subaxnimo waxaan tagaa 8-da subaxnimo, wuuna iga horreeyaa, waxaan isku dayay inaan tago xerada 7:30, waxaan tagay isagoo jooga, hal maalin ayaan isku dayay inaan imaado isaga ka hor, waxaana garoonka gaaray 6:30, balse wuuba iiga horreeyaa, wuxuu qof hurdadiisa ay qabyo tahay, balse halkaas kama maqnaado” ayuu yiri Tevez oo Di Marzio uga warramayay Ronaldo.

“Lionel Messi ma ahan sidaas oo kale, isaga wax walba waa dabiici, balse wixii uusan dabiici u aheyn wuxuu isku dayaa inuu naftiisa ku tababaro, waxaa jirtay mar uusan si fiican u garaneyn inuu tuuro laadadka xorta ah, balse hadda dhinac walba ayuu ka dhalinayaa, wuu ku tababartay wuuna hormariyay” ayuu Tevez.

Si kastaba Carlos wuxuu aaminsan yahay in Ronaldo uu dadaal badan u galay guulaha uu gaaray, halka Messi uu yahay shaqsi dabiici ah isla markaana sameeya waxa uu awoodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here