Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa shaqsiga ka dambeeyay in kooxdiisu aysan samayn saxeexa khadka dhexe ee Tottenham ee Christian Eriksen suuqii xagaaga ee sanadkan.

Eriksen ayaa sida laga war qabay doonayay inuu Tottenham iskaga dhaqaaqo suuqii dhawaa kaddib markii ay kooxdaasi ku fashilantay Final-kii UEFA Champions League ee bishii June.

Lionel Messi blocked Barcelona transfer move for Tottenham star Christian Eriksen

Lionel Messi blocked Barcelona transfer move for Tottenham star Christian Eriksen

Eriksen ayaa iska diiday inta badan kooxihii doonayay isaga oo dookhiisa ku koobay kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid isagoo tayadiisa halkaas ka dhex arkayay kaddib markii uu kamid noqday kubad sameeyayaasha ugu fiican Yurub lixdii xilli ciyaareed ee uu Spurs lasoo qaatay.

Il wareedka ree Spain ee El Desmarque ayaa haatan sheegaya xog cusub oo culayskeeda leh maadaama oo lagu sheegay in Barcelona ay ku raad-joogtay saxeexa Eriksen balse uu Messi ahaa qofka xanibay.

Sidoo kale Madrid oo dhinaceeda ka doonaysay ayuu madaxweynaheeda Florentino Perez tababare Zinadine Zidane ku qancinayay inay sameeyaan saxeexa Eriksen walow uu Zidane aad ugu waalnaa helista Paul Pogba.

Real ayaa diyaar u ahayd inay Eriksen u dhaqaaqdo haddiiba ay waydo Pogba balse intaa kaddib xiddiga ree Denmark ayaa go’aansaday inuu marka hore dookha koowaad ka dhigto Barcelona.

Tottenham ayaa sida la xusayo xataa wadahadalo la yeelatay Barca iyagoo doonayay inay Alena iyo Ivan Rakitic kasoo wataan Camp Nou isla markaana ay Eriksen u wareejiyaan dhinaca Barca.

Si kastaba, Messi ayaa kansalay heshiiskaas isaga oo sababta ka dhigay in Eriksen uu masuuliyadiisa dayacay xilli ay wakhti adag oo ay u baahantahay ku jirto kooxdiisa Tottenham isaguna uusan Camp Nou uga baahnayn ciyaartoy dhaqankaas leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here