Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhawaaday ku biiritaanka kooxda Paris Saint Germain xagaagii laga soo gudbay xilli si aad ah loola xiriirinayay Real Madrid.

Xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka ayaa la hadal hayay inuu isaga tagayo Old Trafford, balse wakhtiga oo dhan waxaa laga cabsi qabay inuu Zinedine Zidane kula midoobi doono kooxda ka dhisan caasimadda.

Dhinaca kale waxaa jiray warar ku dhinac socday oo xiddiga la xiriirinayay Juventus, balse haatan Sport Italia ayaa qireysa in xiddigaan uu ku dhawaaday koox ka dhisan horyaalka faransiiska waana Paris Saint Germain.

Mino Riola ayaa ku dhawaaday inuu xiddiga reer France geeyo magaalada Paris si uu ula mideeyo saaxiibkiisa Kylian Mbappe.

Ma suuragalin qorshahaan, sababtoo ah xiddig uu wakiil u yahay Mino Riola ayaa heshiis u saxiixay kooxda ka dhisan Parc des Princess, Marco Verratti ayaa qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa 2024 waana sababta keentay iney iska iloobaan Paul Pogba.

Si kastaba Paul wuxuu meel fagaare ah ka sheegay inuu doonayo meel cusub inuu waqtigiisa ku tijaabiyo, waxaana la fahamsanaa in Los Blancos ay tahay meesha ugu haboon maadaama uu joogo Zidane oo aad u aaminsan.

Fasal ciyaareedkaan kooxda wax badan uma ciyaarin, muddo ku dhaw laba bilood kaliya laba kulan ayuu kooxda u saftay maadaama uu dhaawac la kulmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here