Taageerayaasha Arsenal ayaa halis dhab ah ugu jira inay seegaan kulanka caawa ay Anfield kula ciyaarayaan Liverpool madaama dib u dhacyo xoogan oo ku yimaadeen tareenada isku xira London iyo Liverpool.

Kooxda Gunners ayaa Reds la ciyaareysa wareega afar dhamaadka Carabao Cup waqtiga Ingariiska marka uu yahay 7:30pm ama Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 10:30pm.

Laakiin waxaa jiray tareeno badan oo waqtigooda la kansalay iyo kuwa dib loo dhigay ee tareenada ka dhex shaqeeya London iyo Liverpool, waxaana la filayaa in dhibaatadaas ay taagnaato muddo saacado ah.

Sababta keentay dib u dhacyada ay ah korontada oo ka tagtay qeybo ka mid ah xarumaha tareenada ee isku xira labada magaalo.

Taageerayaashii xilli hore sii baxay ayaa iyagana dhib ku qabi doona inay dib ugu soo laabtaan London.

Arsenal ayaa wada iibisay dhamaan tikidhadii kaga soo aaday garoonka Anfield ee kulanka caawa, waxaana macquul ah in la arko kuraas badan oo firaaqo ah madaama taageerayaal badan ay ku xayiran yihiin London.

Kulanka caawa waxaa la filayaa inuu ku soo bilowdo shaxda Arsenal Mezut Ozil islamarkaana uu kabtan u noqdo madaama Granit Xhaka laga soo tagay ka dib dhacdadii ugu danbeysay ee Axadii.

Ozil ayaa isbuucyadii ugu danbeysay ka maqnaa kooxda inkastoo uusan dhaawac aheyn, isagoo Arsenal u ciyaaray kaliya labo kulan xilli ciyaareedkan oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here