Arsenal ayaan talaabo dhanka dishibiliinka ah ka qaadi doonin Granit Xhaka madaama ay u baqayaan xaalada caafimaad ee maskaxdiisa oo aad u jilicsan sida ay sheegtay jariirada The Sun.

Kabtanka Gunners ayaa weli diiday inuu raaligelin ka bixiyo inuu ku yiri taageerayaasha “f**k off” madaama ay ku ooriyeen markii la soo bedelayay kulankii Crystal Palace.

Shaqsi ka mid ah kooxda ayaa u xaqiijiyay The Sun in 27 jirkaan uu noqday qof aad u murugeysan sababo la xiriira xadgudubka uu kala kulamay taageerayaasha Arsenal isbuucyadii u danbeysay, haddii ay ahaan laheyd garoonka dhexdiisa iyo barasha bulshada.

Xhaka ayaa bil ka hor waxa uu qeybta faalada ka xiray akoonkiisa Instagram sababo la xiriira xadgudubka ay ku sameynayeen jamaahiirta Arsenal, waxaana uu qarxay kulankii Axadii markii ay taageerayaasha mar kale ku ooriyeen.

Tababare Unai Emery ayaana sheegay in ka hadalka kabtanimada Xhaka ay tahay muhiimada labaad balse ay ka horeysa fayow qabka maskaxeed ee ciyaaryahanka.

Xiddiga ay Xhaka iska garab ciyaaraan Lucas Torreira ayaa Axadii la sawiray isagoo ka ilmeynaya sida ay taageerayaasha u la dhaqmeen Xhaka madaama uu ka warqabay in xaalada maskaxeed ee ciyaaryahanka ay jilicsan tahay.

Tababare Emery ayaa xaqiijiyay in kabtanka uu seegayo kulanka caawa ee ay la ciyaarayaan Liverpool ee Carabao Cup.

Laakiin waa inuu go’aansado haddii Xhaka uu maskax ahaan xamili karo inuu ciyaaro kulanka Sabtida ee Premier League ee ay soo dhaweynayaan kooxda Wolves.

Wargeyska Daily Mail ayaa isna sheegaya in kooxda ay u soo bandhigtay ciyaaryahanka inuu la kulmo dhaqtar cilmi nafsiga ku takhasusay si uu la talin uga helo madaama uu aad u murugeysan yahay.

Ciyaaryahanka ayaana diidan inuu raaligelin ka bixiyo hadalkii uu ku yiri taageerayaasha, tababare Emery ayaana sheegay inay siin doonaan waqti uu isku dejiyo islamarkaana uu ku miisaamo xaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here