(Madrid) 30 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan ka tirsan horyaalka La Liga Spain waxa ay caawa soo dhoweynaysaa naadiga Leganes.

Los Blancos oo haatan fadhisa kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga ayaa doonaysa inay guul gaarto si ay u gasho kaalinta labaad ee horyaalka, iyadoo haddii ay caawa adkaato hal dhibic oo qura ka dambeyn doonta Barcelona oo hoggaanka haysa.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Arbaco, 30 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Cesar Soto Grado (Spain)

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wararka Kooxaha:-

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Alvaro Odriozola ayaa garoomada kaga maqnaanaya kulankan ganaax kaddib markii uu labo kaar oo digniin ah qaatay kulankii ay wajaheen Real Mallorca.

Gareth Bale ayaa isaguna kulankan ku seegi doona dhaawac kubka ah, waxaana arki karnaa caawa Rodrygo ama James Rodriguez oo dheelaya garabka midig ee weerarka.

Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa dib ugu soo laaban doono booska khadka dhexe kulankan ka tirsan horyaalka La Liga kaddib markii ay dhaawacyo ka yimaadeen.

Dhinaca kale naadiga Leganes ciyaaryahankeeda Ruben Perez ayaa qarka u saaran inuu dhaawac jilibka ah garoomada kaga maqnaado illaa bartamaha bisha November.

Christian Rivera ayaa la filayaa inuu khadka dhexe kaga ciyaaro kooxda Leganes.

Dimitrios Siovas ayaa qaba dhaawac, taasoo u muuqata in Chidozie uu ku soo bilaaban doono daafaca dhexe isagoo ka garab ciyaaraya Unai Bustinza.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Leganes ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato 34 ka mid ah 38-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Real Madrid ayaa guuleysatay siddeed ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool siddeed ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Los Blancos ayaa guuleystay labadaba qeybta hore iyo ciyaarta oo dhammaystiran saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku ciyaartay garoonkeeda.

>- Real Madrid ayaa guuleysatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Leganes tartammada oo dhan.

>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigeeda kula ciyaartay Leganes tartammada oo dhan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan caawa labada kooxood:-

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada kale ee caawa laga ciyaari doono horyaalka La Liga & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

9:00 Habeennimo Valencia vs Sevilla

9:00 Habeennimo Real Sociedad vs Levante

10:00 Habeennimo Athletic Bilbao vs RCD Espanyol

11:00 Habeennimo Real Betis vs Celta Vigo

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here