(Turin) 30 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa kulan ka tirsan horyaalka Serie A ee Waddanka Talyaaniga waxa ay caawa soo dhoweynaysaa naadiga Genoa.

Marwada duqda ayaa doonaysa caawa inay guul gaarto si ay hoggaanka horyaalka Serie A dib ugala wareegto naadiga Inter Milan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Taariikhda: Arbaco, 30 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Antonio Giua (Italy)

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Kooxaha:-

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo la nasiyey kulankii ay kooxdiisa barabaraha la gashay Lecce ayaa dib ugu soo laaban doona safka hore ee kulankan, isagoo ka garab ciyaaraya Juan Cuarado, Blaise Matuidi iyo Sami Khedira.

Rodrigo Bentancur ayaa booska khadka dhexe ka bedeli doona Miralem Pjanic iyadoo kan dambe uu dhaawac ku maqnaan doono dhowr isbuuc kaddib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray Sabtidii.

Paulo Dybala ayaa safka hore ee weerarka kula soo bilaaban kara Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu Gonzalo Higuain dhaawac madaxa ka gaaray kulankii dhowaa.

Dhinaca kale ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Inter, Thiago Motta ayaa kasbaday guul u qalanta Sabtidii kulankiisii ugu horreeyay ee uu leyliyo kooxda Genoa, waxaana uu sameeyay bedello geesinimo ah bilowgii qeybtii labaad waana ay bixiyeen wixii uu ka doonayey.

Christian Kouame, Andrea Pinamonti iyo Goran Pandev ayaa dhammaantood ku soo bilaaban kara weerarka Genoa kulanka caawa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Juventus ayaa guuleysatay 28 ka mid ah 33-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Genoa ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay meel ka baxsan garoonkeeda ku soo dheeshay horyaalka Serie A.

>- Juventus ayaan la garaacin 14-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay gurigeeda ku ciyaartay Genoa tartammada oo dhan.

>- Kooxda Genoa ayaa ku guuldarreysatay inay guul gaarto 13-kii kulan ee ugu dabeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Naadiga Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Serie A ku ciyaartay gurigeeda.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan caawa labada kooxood:-

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada kale ee caawa laga ciyaari doono horyaalka Serie A & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

9:00 Habeennimo Napoli vs Atalanta

11:00 Habeennimo Cagliari vs Bologna

11:00 Habeennimo Lazio vs Torino

11:00 Habeennimo Sampdoria vs Lecce

11:00 Habeennimo Sassuolo vs Fiorentina

11:00 Habeennimo Udinese vs Roma

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here