Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbar-bardhig ku sameeyay da’yarta kooxdiisa iyo kuwa kooxda Chelsea oo ay Arbacadan booqanayaan kulan ka tirsan Carabao Cup.

Manchester ayaa booqanaysa Chelsea oo ay qaab xun dhulka ugu soo jiiday toddobaadkii furitaanka ee Premier League oo ay 4-0 kaga soo adkaadeen kulankii ugu horreeyay ee uu Frank Lampard ka tababare ahaan uga ciyaaro horyaalka.

Blues ayaa ah kuwo haatan si weyn u suganaya Red Devils iyaga oo aar-goosasho u socda waxaana intaas dheer in xaalada labada kooxood ay gabi ahaanba isbedeshay tan iyo maalintaas ay horyaalka kusoo kulmeen.

Dhaqaaqyada ay United soo samaysay mudadaas ayaa ahaa kuwo u badan xaalad dib u socod ah halka Chelsea iyo Lampard ay u muuqdaan kuwo si buuxda isku fahmay iyagoo toddoba guulood oo xidhiidh ah kusoo raaxaystay kulamadii ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Si kastaba, Ole Gunnar oo haatan isbarbardhig ku samaynaya da’yartiisa Man United iyo kuwa Chelsea wacdaraha ku dhigaya ayaa si dadban u qirtay in kuwa Chelsea ay fiican yihiin balse ku dooday in da’yartiisu ay hada uun soo baxayaan kuwa Chelsea-na ay sanado amaah ah soo wada qaateen.

Solskjaer ayaa yidhi “Chelsea waa koox aad u xiiso badan, Frank waxa uu helay ciyaartoy amaah ku joogay sanad ama laba sano horyaalka heerka labaad, Kala duwanaanshaha u dhexeeya da’yartayda ayaa ah inay haatan uun soo galayaan goobta”.

“Axel Tuanzebe waxa uu seegay dhawrkii kulan ee ugu dambeeyay laakiin waxa uu ku maqnaa amaah waanad arki kartaa faa’idada, Waxaan filayaa haatan in da’yarta Chelsea ay midaas ka faa’ideen, Waa koox yar oo qaan gaadh ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here