Tababaraha kooxda Arsenal Unai Emery ayaa goor dhaweyd warbaahinta la hadlay ka hor kulanka habeen danbe ee ay kooxdiisa la ciyaareyso Liverpool ee wareega afaraad ee Carabao Cup.

Macalinka reer Spain ayaa xaqiijiyay in kabtankii Granit Xhaka inuusan qeyb ka noqon doonin kooxda u safreysa Liverpool inkastoo qorshaha uu markii hore ahaa inuu dheelo kulanka habeen danbe.

Xhaka ayaa diidan inuu raaligelin ka bixiyo falcelintii uu ka sameeyay markii ay ku ooriyeen taageerayaasha kooxda Arsenal xilli la bedelay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen kooxda Crystal Palace markaasoo uu ku yiri: “F*ck off”.

Tababare Emery ayaana xaqiijiyay in Xhaka uu seegayo kulanka habeen danbe isagoo hadalkiisa raaciyay inay aheyd inuu raaligelin bixiyo, waxaana uu diiday inuu xaqiijiyo haddii kooxda ay ganaaxday ciyaaryahanka.

Markii la weydiiyay haddii uu kabtanimada ka qaadayo xiddiga reer Switzerland, tababare Emery ayaa ku jawaabay:

“Waqti xaadirkaan kama hadlo arintaas, mana doonayo inaan ka fekero. Wax sahlan uma ahan isaga iyo kooxdaba. Aad ayuu u murugeysan yahay. Xaqiiqdii uu wuu ogyahay inuu qaldanaa, waana uu dareemayaa taas.”

Dhanka kale tababare Emery ayaa xaqiijiyay in Mesut Ozil uu u safri doono Liverpool kulanka habeen danbe laakiin waa uu diiday inuu xaqiijiyo inuu dheeli doono inkastoo uu soo jeediyay inuu noqon karo kabtanka kulanka Anfield.

Isagoo ka hadlayay xaalada Mesut Ozil waxa uu yiri: “Wuu ogyahay waxa aan ka rabo isaga, Waa wax la mid ah wixii aan ka rabay sannadkii la soo dhaafay, xilli ciyaareedkan ka hor iyo bil ka horba.

“Waan wada sheekeysanay saaka sababtoo ah waxaan doonayay inaan dhageysto sida uu inoo caawin kar berri… wadahadal fiican ayaa ina dhexmaray.”

David Luiz, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Calum Chambers ayaa iyagana la nasasiiyay kulanka Liverpool ee Carabao Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here