Maalmo nasiino ah kadib Barcelona ayaa dib u ciyaari doonta horyaalka La Liga iyagoo caawa soo dhaweynaya Real Vallodolid, waa kulan ay fursad u heysato iney dib ula wareegto hogaanka horyalka La Liga inkastoo Granada ay dib u qabsan karto hadii ay guul gaarto kulankeeda khamiista.

Tan iyo markii ay 1-2 kaga badiyeen kooxda Slavia Prague kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub ma ciyaarin, sababtoo ah waxaa goor hore la baajiyay kulankii lagu ballansanaa 26-ka Oktoobar ee ay la yeelan lahaayeen Real Madrid.

Valladolid waxey dib u heleen qaabkoodii wanaagsanaa, kulankii ugu dambeeyay waxey 2-0 direen Eibar, ciyaar xiiso leh oo dhacday sabtidii, waxeyna markaan isha ku hayaan iney lagdaan kooxda difaacaneysa horyaalka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Vallodolid

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 11:15 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Javier Alberola Rojas (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Tababare Ernesto Valverde ayaa ka dhawaajiyay in laba xiddig ay seegi doonaan ciyaarta, Samuel Umititi ayaa kooxda dhaawac uga maqnaanaya taasna waxey sida caadiga ah keeneysaa in Lenglet iyo Pique ay ku midoobaan daafaca dhexe.

Sergi Roberto ayaa shaki la galinayaa, taasna waxey ka dhigan tahay in daafaca reer Portugal Nelson Semedo uu u sharaxan yahay inuu kusoo bilowdo ciyaarta caawa.

Vallodolid waxaa hareeyay dhaawacyo fasalkaan waxaana dhaawac uga maqan Luismi, Javi Sanchez, Ruben Alcaraz, Fede, Sandro Ramirez iyo Pablo Hervias.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankii ugu dambeeyay labadaan kooxood, goolka qura oo ay Barcelona ku adkaatay waxaa dhaliyay Lionel Messi.

Saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyay labadaan kooxood waxaa lagu kala baxayay gool qura.

Balaugrana ayaa badisay mid walba oo ka mid ah shantii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay labada kooxood ku ciyaaraan Camp Nou.

Vallodolid wax guuldaro ah lama kulmin lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyay, shan ka mid ahna waa La Liga.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona:

Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Busquets, Arthur, De Jong; Messi, Suarez, Griezmann

Real Valladolid:

Masip; Moyano, Kiko, Salisu, Nacho; Plano, Fernandez, Michel, Suarez; Unal, Guardiola

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here