Tababare Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqa liiska ciyaartoyda uu ku wajahayo caawa kooxda Real Vallodolid, waa kulan ay dooneyso iney kooxda ka dhisan gobolka Catalonia dib u hantiso hogaanka horyaalka maadaama Granada ay la wareegtay kadib markii uu kulan u baaqday Balaugrana.

Ernesto Valverde ayaa liiskiisa ka saaray kubad abuuraha reer Brazil Arthur Melo, waxaa lasoo warinayaa inuusan wax dhibaato ah qabin balse arrimo dhanka xeeladda ah looga saaray liiska.

Sergi Roberto ayaa dib ugu soo laabtay safka kooxda kadib markii uu kasoo bogsooday dhaawac dhanka jilibka ah, sidoo kale Carles Alena iyo Carles Perez ayaa sidoo kale liiska ku jira.

Samuel Umtiti ayaan lagu soo darin liiska kaas oo wali kasoo kabsanaya dhaawac dhanka jilibka ah, halka Ousmane Dembele uu seegi doono ciyaartaan maadaama kulankaan yahay midkii ugu dambeeyay ganaaxiisa.

Junior Firpo iyo Moussa Wague ayaa sidoo kale waayay liiska iyagoon wax dhibaato ah qabin.

LIISKA OO  DHAMEYSTIRAN:

Marc-Andre ter Stegen, Nelson Semedo, Gerard Pique, Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Jean-Clair Todibo, Luis Suarez, Lionel Messi, Neto, Clement Lenglet, Antoine Griezmann, Jordi Alba, Carles Alena, Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Arturo Vidal, Carles Perez and Ansu Fati.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here