Garabka xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa ugu dambayn suuqa xagaagii dhawaa dhammaystiray heshiiskiisii riyada ee Real Madrid kaddib markii uu ugu wareegay heshiis ugu dambayn gaadhi kara £150 Milyan.

Bedelkiisa Bridge oo loo arkayay Christian Pulisic ayaa bilaabashadii ugu wanaagsanayd helin balse waxa uu shaqadii adkayd iyo samirkii uu kursiga keydka ku fadhiyay midhahoodii helay toddobaadkan.

Pulisic ayaa saddexley kasoo dhaliyay kooxda Burnley oo ay kulan xoogan 4-2 kaga soo guuleysteen taas oo durtaba keentay in lala bar-bardhigo wakhtiyadii ugu horreeyay ee Hazard uu Blues kusoo qaatay.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in isbar-bardhigani uu yahay mid uu ku gacan sarreeyo 20 jirka ree Maraykan ee Pulisic kaas oo xog ahaan wakhtigii ugu horreeyay ee Hazard ka wanaagsan.

Aan ku bilawnee Pulisic ayaa toddoba kulan oo uu saddex bedel kusoo galay ilaa haatan usoo ciyaaray Chelsea halka Hazard loo isticmaalay xogta ah inuu saddex kulan kusoo bilawday afartiisii kulan ee ugu horreeyay ee kooxda.

Pulisic ayaa horyaalka ka ciyaaray 403 daqiiqo halka uu Hazard ciyaaray 267, Dhinaca kale Pulisic ayaa Champions League ka ciyaaray hal kulan halka Hazard uu ka ciyaaray saddex kulan.

Xogta xasaasiga ah ayaa ah in wakhtigaas uu Pulisic saddex gool iyo laba caawimo kasoo sameeyay horyaalka halka uu Hazard hal gool iyo hal caawimo soo sameeyay, Dhinaca Champions League ayay min hal caawimo sameeyeen.

Halkan Kaga Boggo Xogta Oo Sawir Ah

 Christian Pulisic is beating Eden Hazard in terms of stats this season

 Christian Pulisic is beating Eden Hazard in terms of stats this season

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here