Wariyaha Daily Express MATTHEW DUNN ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska maanta waxa uu kaga hadlay afar waxyaabood uu ogaaday ka dib markii uu daawaday kulamadii isbuucaan la ciyaaray horyaalka Premier League.

Suxufiga oo ka mid ah wariyayaasha ugu caansan isboortiga England ay sheegay in Liverpool ay ku socoto wadadii hanashada horyaalka, halka uu arinta Xhaka ku dhaleeceeyay taageerayaasha isagoo sidoo kale ka hadlay in VAR dib u eegista iyadaba lagu sameeyo.

Laacib.net ayaa idiin soo tarjuntay maqaalka uu Matthew Dunn qoray, halkaan hoose ka akhriso afarta waxyaabood ee uu ka qoray kulamadii isbuucaan.

LIVERPOOL AYAA HORYAALKA QAADI DOONTA

Bill Shankly waxa uu calaamada caanka ah ee “This is Anfield” suray albaabka ay ciyaartoyda ka soo baxaan marka ay garoonka gudaha u galayaan.

Jurgen Klopp ayaa boorka ka jafay.

Tottenham waxa ay noqotay kooxdii lixaad ee isku xigta ee hogaanka ku qabata guriga Reds ka dibna laga badiyo. Liverpool waxa ay garoonkeeda ku badisay 12 kulan oo isku xigta.

Sidoo kale ha ilaawin habeenkii Barcelona ee Anfield.

Markii ugu horeysay waayaha Premier League, garoonka Anfield waxa uu noqday god lama galaan ah sidii waa hore ay ahaan jirtay.

Marka ay kaa dhaadhacsan tahay inaad badineyso kulamada gurigaaga, waxaad kala bar qaaday horyaalka.

Waana sababta 10ka bisha November ay Liverpool u garaaci doonto Manchester City islamarkaana ay u xaqiijisan doonto hanashada horyaalka Premier League.

HOGAAMIYE MISE LA HOGAAMIYE

Qaabkii ay Arsenal u la dhaqmeen kabtankooda waxa ay aheyd wax laga xishoodo.

Waxay filanayaan in Granit Xhaka uu xamaasad iyo tamar ku hogaamiyo kooxda, hadana marka uu soo bandhigo tayadaas oo uu falcelin ka bixiyo oorin waxaa laga sii dhigay qof ka xun sidii hore.

Si xun ayaa loola dhaqmayaa Xhaka inkastoo uu dadaalkiisa ku soo bandhigayo garoonka.

Xaqiiqda ah in Xhaka uusan aheyn xiddig kubadiisa ay fiican tahay ma ahan mid uu isaga ku qaldan yahay, waxaa qaladka iska leh dadkii soo iibiyay iyo tababare isagoo aan ka fiirsan kabtan ka dhigtay kulan walbana ku soo bilaabaya.

Xhaka ma lahan tayo kubadeed oo uu ku hogaamiyo koox rajo ka qabta inay ku soo laabato Champions League.

UNITED WELI KALSOONI AYAA KA MAQAN

Labo rigoore oo ay qasaariyeen ma ahan in la ilaawo inkastoo Manchester United ay badisay kulankii ugu horeysay ee Premier League ee iyagoo marti ah tan iyo bishii Febraayo.

Norwich oo u sharaxan inay heerka labaad u dhacdo, mar walba waa la filayay in United ay seddexda dhibcood qaadaneyso.

Laakiin labadii jeer ee cadaadiska ay dareemeen markii hore Marcus Rashford iyo markii labaad Anthony Martial oo ay dul istaageen kubada rigoorada aheyd, waxaa soo baxday kalsooni daradooda.

Manchester United wadadii soo noqoshada waa ay heysaa laakiin weli waddo dheer ayay u jirtaa inay soo gaaraan halka ay taageerayaashooda ka filanayaan.

VAR IYADA DIB HA LOO EEGO

Hore ayaan u sheegay ayuu yiri wariyaha warbixitaan qoray, waana ku celinayaa mar kael. Joojiya VAR iyo doqonimada la socota.

Hala joojiyo isticmaalkeeda dib isagu laabta la soo noqda qaab ay VAR ku caawin karto ciyaarta bedelkii ay dili laheyd. Xilli ciyaareedka soo socda mid ka ku xiga ayaa ah waqtiga ugu haboon ee la soo celin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here