Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa qaaday talaabo lama filaan ah kaddib markii uu jeclaystay ama “Like gareeyay” qoraal barta Instagram ah oo lagu jeex-jeexayo kabtanka kooxdiisa ee Granit Xhaka iyo tababare Unai Emery.

Arsenal ayaa hoggaan 2-0 ah ka qabatay Crystal Palace 10-kii daqiiqo ee ugu horreeyay kulan xalay dhex maray balse natiijada ayaa ugu dambayn 2-2 kusoo dhammaatay iyadoo jawigu uu ugu dambayn ahaa mid gabi ahaanba sumaysan.

Kabtan Xhaka oo dhawaanahanba eedaymo iyo cadaadis kala kulmayay jamaahiirta kooxdiisa ayaa orin la kulmay markii uu bedel ku baxayay daqiiqadihii dambe ee ciyaarta halka isaguna uu isku difaacay weedha ‘f**k off” oo sii kululaysay cadhadii jamaahiirta.

Haddiiba ay kulankan Arsenal guulaysan lahayd ayay macquul ahaan lahayd in dhacdadaas foosha xun la iska ilaawi lahaa balse VAR ayaa meesha ka saartay gool ay xilli dambe guul ku gaadhi kareen Gunners.

Si kastaba, Taageeraha Arsenal ee Instagram kusoo gala magaca TroopzAfc ayaa soo daabacay qoraal uu ku eedaynayo tababare Emery iyo Xhaka waxaana markiiba ay indhaha jamaahiirtu qabteen inuu Like saaray erayadaas kulul Lacazette.

Qoraalka TroopzAfc oo ah mid af-lagaado badani ku jirto micno toos ahna aan lagu soo gudbin karin ayuu Emery ugu sheegayaa inuu in badan soo taageeray isaga balse waxa haatan dhacayaa uu ku filan yahay halka Xhaka uu ku celinayo isla af-xumada uu marka hore isagu ku yidhi jamaahiirta.

Halkan Hoose Kaga Boggo

p1do8ja4t7b2n1qig10vks01c0ib.jpg

p1do8ja4t7b2n1qig10vks01c0ib.jpg

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here