In ka badneyn labo bilood ayaa ka harsan suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, markaasoo ay kooxaha waa weyn ee Yurub ay isku dayi doonaan inay sii adkeeyaan kooxdooda, iyadoo kooxaha qaar ay durbaba bilaabeen inay u dhaqaaqaan bartilmaameedkooda.

Hadaba sida aad inooga barateen waxaan idiin soo gudbin doonaa wararka xanta ee suuqa kala iibsiga ee ay qoreen warbaahinta Yurub. War walba waxaan hordhigi doonaa magaca warbaahinta qortay.

Wararka Suuqa Kala Iibsiga

Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta ay Borussia Dortmund duldhigtay xiddiga Ingariiska ee 19 jirka ah Jadon Sancho iyadoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay dooneyso ugu yaraan 100 milyan ginni. (Daily Mirror)

Manchester City ayaa ku dhow inay xiriir la sameyso kooxda Napoli oo ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Isbaanishka Fabian Ruiz oo 23 sanno jir ah. (Calciomercato)

Tababaraha kooxda Newcastle United Steve Bruce ayaa qorsheynaya inuu amaah kula wareefo 19 jirka daafaca kooxda Chelsea Reece James. (The Sun)

Real Madrid ayaa rajeyneysa inay ka faa’ideysato xiriir xun ee u dhaxeeya weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe iyo tababare Tomash Tuchel si ay u la soo wareegeen 20 jirka reer France. (AS)

Xiddigii hore ee Netherlands Rafael van der Vaart ayaa ugu baaqay kooxda Tottenham inay la saxiixato kubadsameeyaha reer Morocco iyo kooxda Ajax 26 sanno jirka Hakim Ziyech. (NOS)

Madaxda Bayern Munich ayaa sheegay inaysan jirin fursad uu ku baxayo Thomas Muller bisha Janaayo iyadoo 30 jirkaan lala xiriirinayo kooxda Manchester United. (Daily Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic oo 31 sanno jir ah ayaa soo dhaweynaya dalabyada u imaanaya bisha Janaayo iyadoo xaalada xiddigaan ay qiimeynayaan kooxda Man United iyo Juventus. (Marca)

Sawir qaade ayaa doonaya inuu lacag weydiisto kooxda Brescia ka dib markii weeraryahankooda Mario Balotelli uu ka jajabiyay kaamirada isagoo careysan markii la bedelay. (The Sun)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here