(Norwich) 28 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul 3-1 ka soo gaartay naadiga Norwich City oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulankii ka dhacay garoonka Carrow Road kooxda Manchester United waxa ay saddexda gool ka kala heshay (McTominay 21’daqiiqo, Rashford 30’daqiiqo iyo Martial 73’daqiiqo), halka Norwich ay goolka qura ka heshay Hernandez 88’’daqiiqo.

Man United ayaa gaartay guushii ugu horreysay horyaalka muddo lix isbuuc ah, waxaana inkastoo ay saddex gool ka soo dhaliyeen Norwich haddana kulankan ay iska khasaariyeen labo rigoore.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikooradii laga diiwaan geliyey kulankan:-

>- Goolkii furitaanka ee uu dhaliyey Scott McTominay ayaa ahaa goolkii 2000-aad oo Manchester United ay ka dhaliso horyaalka Premier League, Red Devils ayaana noqotay kooxdii ugu horreysay ee taariikhda tartankan labo kun oo gool ka dhalisa.

>- Marcus Rashford iyo Anthony Martial ayaa noqday labadii ciyaaryahan ee ugu horreeyey oo isku koox ah isla markaana labaduba goolal dhaliya isla markaa rigooreyaal khasaariya hal kulan oo Premier League ah dhexdiisa.

>- Saddexda ciyaaryahan ee Manchester United Manchester United (Rashford, Pogba, Martial) ayaa noqday saddex xiddig oo kala duwan markii labaad oo rigoore ka khasaariya kooxda hal xilli ciyaareed horyaalka Premier League, markii ugu horreysay oo saddex xiddig oo kala duwan ay rigooryaal ka lumiyaan Man United waxa ay ahayd xilli ciyaareedkii 2012/13 waxaana ka khasaariyey van Persie, Rooney iyo Chicharito.

>- Tim Krul ayaa noqday goolhayihii ugu horreeyey ee labo rigoore badbaadiya hal kulan oo Premier League ah tan iyo Maarten Stekelenburg oo sidaas oo kale sameeyey kulan dhexmaray Everton vs Man City bishii October sanadkii 2016-kii, xisaabtana ku darso labada goolhayeba waa reer Holland.

>- Marcus Rashford ayaa u dhaliyey kooxdiisa Manchester United goolkiisii 50-aad tartammada oo dhan, 32 ka mid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyey horyaalka Premier League.

>- Marcus Rashford ayaa noqday ciyaaryahankii 54-aad ee 50 gool u dhaliya kooxda kubadda cagta Manchester United.

>- Kooxda Manchester United ayaa sanadkaan illaa haatan khasaarisay afar rigoore ama gool ku laad.

>- Manchester United ayaa xalay soo gabagabaysay siddeed kulan oo ay guul la’aan ahayn horyaalka Premier League marka ay ku soo ciyaareyso bannaanka, iyadoo bannaanka ku soo badisay xalay kaddib markii ay horay siddeedii kulan ee ugu dambeysay horyaalka meel ka baxsan garoonkeeda kula soo kulmeen 3 barbaro iyo 5 guuldarro, iyadoo aan xusuusta laga saari karin in markii ugu dheereyd oo ay guuldarro la’aan ku ahaato Man Utd kulammada bannaanka hroyaalka ay ahayd intii u dhaxaysay February illaa September 1989-kii oo ay 11  kulan oo xiriir ah dibadda ku soo adkaan waayeen.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here