Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Tottenham oo marti ugu aheyd Anfield iyagoo ku garaacay 2-1.

Reds ayaa ku soo laabatay hogaan lix dhibcood ah ka dib markii goolal ay kala dhaliyeen Jordan Henderson iyo Mohamed Salah ay kansaleen gool uu Spurs hogaanka ugu dhiibay Tottenham.

⚽️

⚽️ GOOOL! 47 Ilbiriqsi: Tottenham ayay ku qaadatay in ka yar daqiiqad inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, waxaana hogaanka u dhiibay weeraryahankooda Harry Kane.

Son ayaa kubad weerar ah soo qaaday isagoo jeedjeediyay Henderson ka hor inta uusan darbo u qaadin goolka, waxaa madax ku sii taabtay Lovren iyadoo kubada ay ku dhacday birta, kubadii soo laabatay ayaa waxaa madax ku dhaliyay weeraryahanka Ingariiska Kane.

Harry Kane waa ciyaaryahankii seddexaad ee gool ku dhaliya Anfield 60 ilbiriqsi gudaheed ka dib Matt Elliot oo Leicester u dhaliyay bishii Agoosto 1997 iyo Olivier Docour oo Everton u dhaliyay bishii April 1999.

Daqiiqadihii 20aad iyo 21aad Mane ayaa kubad madax aheyd si ciriiri ah ku dulmariyay goolka halka Mohamed Salah laga badbaadiyay darbo uu goolka ku tuuray.

Tottenham ayaa iyadana u dhawaatay inay hogaanka dheereysato markii Eriksen iyo Dele Alli ay kubada goolka la hormariyay ay lugta la gaari waayeen, laakiin wixii ka danbeeyay fursadaan Liverpool ayaa weerar cirka iyo dhulka ku qaaday Spurs.

Goolhayaha Spurs Gazzaniga ayaa labo badbaadin oo qatar sameeyay isagoo markii hore kubad halis aheyd ka bixiyay Mohamed Salah, waxaa kubadii uu bixiyay goolka dhinaciisa ku helay Firmino, hadana mar kale waxa uu badbaadiyay darbadii xiddiga reer Brazil.

Daqiiqadii 29aad Van Dijk ayaa ku dhawaaday inuu kubad madax ah dhaliyo laakiin waxaa faraha foodooda ku bixiyay goolhaye Gazzaniga oo wacdarro dhigay kulankii maanta.

Daqiiqadii ku xigtay waxa uu darbo kulul ka beeniyay goolhayaha reer Argentina Alexander-Arnold, daqiiqadii 31aad karoos uu soo dhigay Alexander-Arnold waxaa madax fursad ku helay Mane laakiin bedelkii uu shabaqa dhex dhigi lahaa waa uu hareer mariyay.

Laga bilaabo daqiiqadii 24aad ilaa dhamaadkii qeybta hore ciyaartoyda Tottenham waxa ay ku uruureen daafac sida aad ka arki karta qariirada hoose.

expanded thumbnail

expanded thumbnail

Gazzaniga ayaa u muuqday mid gacmaha birqabad ku wata isagoo fursad halis ah ka badbaadiyay Liverpool labo daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad. Karoos uu soo dhigay Robertson ayaa waxaa madaxeeyay Firmino laakiin waxaa mar kale badbaadiyay goolhayaha Spurs.

BIRTA: Tottenham ayaa birta u garaacday Liverpool daqiiqadii 48aad. Kubadii uu soo tuuray Gazzaniga waxaa helay Son oo mar kale kubada ku garaacay Lovren, waxa uu Son kubada la dhaafay Alisson ka hor inta uusan ku darbeynin gool firaaqo ah, laakiin waxa ay kubada ku dhacday birta.

⚽️

⚽️ GOOOL! Daqiiqadii 52aad: Liverpool ayaa goolka barbaraha heshay ugu danbeyn, waxaana u dhaliyay kabtankooda Jordan Henderson.

Henderson ayaa markii hore karoos soo dhigay, Spurs ayaa si aan hagaagsaneyn isaga bixisay, waxaa kubada helay Fabinho oo u qaaday kabkiisa iyadoo Henderson uu kubada dabamariyay goolhaye Gazzaniga.

Waa goolkii ugu horeysay ee horyaalka ee uu Henderson ku dhaliyo Anfield tan iyo bishii December 2015 markaasoo uu ka dhaliyay koxoda West Brom.

Gazzaniga ayaa fursado kale ka beeniyay Liverpool isagoo gaaray 10 badbaadin daqiiqadii 60aad, waxaana uu noqday goolhayihii badbaadinta ugu badan sameeyay hal kulan xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

RIGOORE: Liverpool ayaa rigoore loo dhigay daqiiqadii 74aad markii kubad dheer oo la soo qaaday uu Mane la galay xerada ganaaxa laakiin waxaa gadaal ka haraantiyay Aurier iyadoo garsooraha uu rigoore tilmaamay.

⚽️

⚽️ GOOOL! Daqiiqadii 75aad: Mohamed Salah ayaa u soo istaagay rigoorada isagaa gees ka toogtay shabaqa, waxaana uu ku kalifay goolhaye Gazzaniga inuusan ka dhaqaaqin booskiisa.

Waa goolkii 50aad ee uu Mohamed Salah ku dhaliyo Anfield isagoo garoonkaan ku ciyaaray 58 kulan.

Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Reds kuwaasoo haatan leh 28 dhibcood ka dib 10 kulan oo la ciyaaray horyaalka. Waxa ay lix dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

Natiijadaan waxa ay Tottenham ka riday kaalinta 11aad iyagoo leh 12 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here