Lionel Messi ayaan dareensaneyn inuu mar walba u baahan yahay dhalinta goolasha, wuxuuna soo bandhigay sida uu u doorbido inuu kubadda raadiyo, soo dhiso halkii uu meeshiisa ku sigi lahaa.

Kabtanka Argentina waa mid mucjisadiisa wata marka ay noqoto in gool la dhaliyo, sidoo kalana waa mid ku fiican in la sameeyo hal abuurka, wuxuuna inta badan diirada saaraa wakhtigaan inuu isku soo agaasimo ciyaarta.

Isagoo wareysi siinayay TV-ga wadankiisa laga leeyahay ee TyC Sports ayuu ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya noloshiisa kubadda cagta.

“Ma ahi gooldhaliye caadi ah” ayuu yiri Lionel Messi oo wareysi siinayay TyC Sports.

“Waxaan doorbidaa inaan gadaal u laabto, sameeyo hal abuur kubaddana la macaamilo”

“Waxaan sidoo kale jeclahay inaan imaado xerada ganaaxa, gool dhaliyo, balse uma nooli kaliya inaan gool dhaliyo”

“Hadii aan wax badan kubadda taaban waayo, kadib waan isaga tagayaa ciyaarista kubadda cagta”

Sidoo kale Messi wuxuu qiray inuu hormar sameeyay, isla markaana uu yahay qof aad u fahmay ciyaarta kubadda cagta.

“Waxaan bartay inaan xakameeyo nafteyda inta kulanka socdo, isla markaana raadiyo wakhtiga haboon”

“Waxaa jira marar aanan la falgalin ciyaarta, waan sugaa wakhtiga ugu haboon”

“Waan koray, waxaan si wanaagsan u akhriyaa ciyaarta, waxaan aqaan goorta iyo sida aan uga qeyb qaato anigoo sameynaya saameyn badan”

Ugu dambeyntii kabtanka Barcelona wuxuu isbarbardhigay kubadda cagta Spain iyo tan Argentina.

“Hadii aad lumiso adigoo Spain jooga, waxba ma ahan, balse markaad joogto Argentina gurigaaga kama soo bixi kartid, waana wax waalli ah”

“Waxaan ku aragnay xulalka koonfurta America, kuuma ogolaanayaan inaad seexato hotel-ka, waxyaabo ayey mar walba kugu soo tuurayaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here