(Europe) 27 Okt 2019. Xiddigii hore xulka qaranka Brazil ee Ricardo Kaka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday macalinkii ugu fiicnaa uu ka soo hoos shaqeeyay xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta.

Sidoo kale xiddigii hore kooxaha AC Milan iyo Real Madrid ee Ricardo Kaka ayaa wuxuu tilmaamay xiddigii ugu fiicnaa uu kaga horyimid kubadda cagta.

Wargayska” Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga reer Brazil ee Ricardo Kaka kaasoo uu kaga hadlay macalinkii ugu fiicnaa uu la soo shaqeeyay wuxuuna yiri:

“Waxaan wax badan ka bartay qof walba shaqsi ahaan, farsamo ahaan iyo taatiko ahaanba”.

“Laakiin waayaheyga ugu fiicnaa, waxaan la qaatay Carlo Ancelotti,  waxaan awoodey inaan intii karaankeyga ah sameeyo”.

Kaka ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey ka hadlida ciyaaryahankii ugu fiicnaa uu ka hor yimid xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta wuxuuna yiri:

“Zinedine Zidane aad ayaan u la dhacay markii aan la ciyaaray isaga”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here