Milkiilayaasha kooxaha Premier League waxa ay sannad walba kooxahooda ku maalgeliyaan malaayiin ginni.

Lixda kooxood ee ugu waa weyn waxa ay heystaan dhaqaale aad u xoogan, xaqiiqdiina kaliya shan ka mid ah milkiilayaasha kooxaha Premier League ayay hantidooda ka yar tahay hal bilyan ginni.

Milkiilaha kooxda Manchester City Sheikh Mansour ayaa ah kan ugu hantida badan milkiilayaasha kooxaha Premier League iyadoo hantidiisa lagu qiyaasay 23.3 bilyan ginni.

Taas bedelkeeda kuwa ugu faqiirsan ee Premier League waa milkiilayaasha Norwich City ee Delia Smith iyo Michael Wynn-Jones oo hantidooda ay gaareysa kaliya 23 milyan ginni.

Afarta kooxood kale ee hantida milkiilayaashooda ay ka yar tahay hal bilyan ginni waa Burnley, Watford, Sheffield United iyo Bournemouth.

City waxaa ku soo xiga milkiilaha Chelsea Roman Abramovich kaasoo hantidiisa ay gaareysa 9.6 bilyan ginni.

Ka dib waxaa ku xiga milkiilayaasha Arsenal, Wolves iyo Aston Villa.

Liiska oo dhameystiran waxaad ka arki kartaa halkaan hoose.

Hantida Milkiilayaasha Kooxaha Premier League:

(Xogtaan waxaa baahisay wargeyska The Sun)

Sheikh Mansour – Manchester City – £23.3bn

Roman Abramovich – Chelsea – £9.6bn

Stan Kroenke – Arsenal – £6.8bn

Guy Guangchang – Wolves – £5.2bn

Nassef Sawiris – Aston Villa – 5bn

Aiyawatt Srivaddhanaprabha – Leicester – £4.6bn

Joe Lewis – Tottenham – £3.9bn

The Glazers – Manchester United – £3.6bn

Gao Jisheng – Southampton – £3.1bn

Joshua Harris – Crystal Palace – £2.7bn

Mike Ashley – Newcastle – £2.3bn

John Henry – Liverpool – £2.1bn

Farhad Moshiri – Everton – £1.5bn

Tony Bloom – Brighton – £1.3bn

David Sullivan and David Gold – West Ham – £1.2bn

Maxim Denim – Bournemouth – £900m

Abdullah bin Musa’ed – Sheffield United – £198m

Gino Pozzo – Watford – £93m

Mike Garlick – Burnley – £62m

Delia Smith and Michael Wynn-Jones – Norwich – £23m

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here