(Barcelona) 27 Okt 2019. Maalmaha Ivan Rakitic ee kooxda Barcelona ayaa noqday kuwo faro ku tiris ah, sidaas darteed xiddigo dhowr ah ee saameyn ku leh qolka labiska ee naadiga reer Catalonia ayaa waxay doonayaan inay sii ilaashadaan tayada kooxda, marka ay timaado in  heshiisyo cusub la keeno naadiga inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Mid ka mid ah codadka saameynta leh ee kooxda reer Catalonia ayaa ah Sergio Busquets, wuxuuna go’aamiyay xiddiga uu u arko iinuu noqon karo badelka Ivan Rakitic, haddii ay dhacdo inuu ka dhaqaaqo garoonka Camp Nou bartamaha xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu soo wariyay in Sergio Busquets uu doonayo in Barcelona ay u dhaqaaqdo saxiixa ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Julian Weigl.

Image result for Julian Weigl To Barcelona

Busquets ayaa aaminsan in Julian Weigl uu noqon karo badelka ugu fiican ee Ivan Rakitic laga bilaabo bisha Janaayo ee soo aadan, xilli laga war qabo in heshiiska uu 24 jirkan ku joogo kooxda Borussia Dortmund uu ku egyahay dhamaadka bisha June ee 2021.

Heshiiska Julian Weigl ayaa ku kici kara qiimo dhan 25 milyan oo euro, haddii ay dhacdo in Barcelona ay u dhaqaaqdo soo xerro galintiisa, inkastoo uusan kulamo badan kaga soo muuqan  kooxdiisa Borussia Dortmund xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here