Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Joe Gomez ayaa lagu soo warramayaa inuu qorsheynayo inuu si lama filaan ah kooxdiisa ugu qabsi doono heshiis uu ugu wareegayo kooxaha waaweyn ee Premier League.

Gomez ayaa ka cabanaya fursad ciyaaristiisa oo yaraatay iyadoo tababare Jurgen Klopp uu inta ugu badan booska daafaca dhexe u adeegsanayo Virgil Van Dijk iyo Joel Matip oo lamaane daafac oo la hubo noqday.

Liverpool transfer news: Joe Gomez could look to quit Anfield

Liverpool transfer news: Joe Gomez could look to quit Anfield

22 sano jirkan ayaa kusoo bilawday kulankii ugu horreeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkan markaas oo ay guul ka gaadheen Norwich City balse waxa uu tan iyo wakhtigaas booskiisa u waayay Matip oo xilli ciyaareed cajiib ah qaadanaya.

Gomez ayaa sanadkii hore loo arkayay xiddig mustaqbal weyn ku leh Anfield balse kaddib dhaawac halis ah oo gaadhay waxa uu ku dhibtooday inuu kusoo laabto booskii joogtada ahaa ee uu ka haystay shaxda Jurgen Klopp.

Si kastaba, Il wareedka 90min.com ayaa haatan shaaca ka qaaday sheekada ah in daafaca ree England uu doonayo inuu eego meelaha kale ee uu fursad mida Liverpool ka badan ka heli karo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxaha Tottenham iyo Arsenal ay xiiso u muujinayaan Gomez iyaga oo doonaya inay ku xoojiyaan daafacooda dal-daloolada badan muujinaya xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaan gabi ahaanba wax cadaadis ah ku dareemi doonin iibka Gomez waxaana la filayaa inay lacago badan dul dhigi doonaan si lamid ah sidii ay uga faa’ideen iibka xiddigo badan dhawaanahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here