(Norwich) 27 Okt 2019. Manchester United ayaa eegeysa inay guusheedii ugu horreysay Premier League bannaanka ku soo gaarto tan iyo 27-ka bishii Febraayo, marka ay u safrayaan naadiga Norwich City.

Red Devils ayaa guuldarro la kulantay shan ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay bannaanka ku soo ciyaartay kulammada sare ee horyaalka, waana heerkoodii ugu hooseeyey tan iyo sanadkii 1989-kii, inkastoo ay guul 1-0 kaga soo adkaadeen habeenkii Jimcaha kooxda Partizan Belgrade kulankii Europa League.

Norwich ayaa xilli ciyaareedkan ku billaabatay bandhig aad u sarreeya oo ay ka mid ahayd inay 3-2 ku garaaceen kooxda horyaalka xafidanaysa ee Manchester City, laakiin kaliya wax ay qaateen hal dhibic afar kulan oo ay ciyaareen markaas kaddib.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 27 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 7:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

Garoonka: Carrow Road

Wararka Kooxaha:-

Daafaca dhexe ee Norwich, Ben Godfrey ayaa diyaar u ah in wajaho Manchester United, inkastoo la bedelay isbuucii hore, sababo xanuun kaddib qalliin dhawaan looga sameeyay qanjirka.

Kooxda lagu neynaaso Canaries waxaa ka maqnaan doona Timm Klose, Mario Vrancic, Ralf Fahrmann, Grant Hanley iyo Christoph Zimmermann kuwaasoo siyaabo kala duwan ku maqnaanaya kulankan.

Man United waxaa laga yaabaa inaysan helin kulan dhowr xiddig oo muhiim ah, sida Paul Pogba, Luke Shaw, Nemanja Matic, Diogo Dalot iyo Eric Bailly marka laga eego tayada xiddigaha ka maqnaan kara Man United  cabsi uma yara kooxda macallin Ole.

Axel Tuanzebe ayaa muujinaya inuu kasoo kabto dhibaatada uu ka qabo dhanka sinta oo uu ku seegay kulankii Liverpool kaddib markii shaxda lagu soo bilaabay, balse dib looga saaray, laakiin Aaron Wan-Bissaka iyo Anthony Martial ayaa soo laabtay isbuucii la soo dhaafay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Ma jiro kulan ku dhammaaday barbaro 12-kii kulan ee ugu dambeeyey oo horyaalka Premier League ku dhexmaray kooxaha Norwich City iyo Manchester United, Norwich ayaa guuleysatay saddex, waxaana ay guuldarro la kulmeen sagaal kulan, tan iyo markii ay barbaro 2-2 galeen kulan dhacay bishii December ee sanadkii 1993-kii.

>- Norwich City ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay ee ka timaadda heerka hoose, isla markaana horyaalka Premier League ku garaacda labada Manchester hal xilli ciyaareed gudihiis tan iyo kooxaha Wolves iyo Portsmouth oo sidaa sameeyey xilli ciyaareedkii 2003-04.

>- Manchester United ayaa guul la’aan ah ama aan guul gaarin siddeed kulan oo Premier League ay ku soo ciyaartay bannaanka, waxaana ay soo heshay 3 barbaro iyo 5 guuldarro, markoodii ugu dheereyd oo ay bannaanka guul ku soo gaari waayaan waxay ahayd 11 kulan oo xiriir ah oo ay soo adkaan waayeen intii u dhaxaysay bilihii February iyo September sanadkii 1989-kii, sidoo kale waxa ay ku guuldarreysteen inay wax ka badan hal gool dhaliyaan mid kasta oo ka mid ah siddeedaas kulan, waa markoodii ugu dheereyd tan iyo bishii May sanadkii 1987-kii, markaasoo ay 11 kulan ay dhalin waayeen wax ka badan hal gool.

>- Manchester United ayaa haddii ay gool dhaliso waxa ay noqon doontaa kooxdii ugu horreysay horyaalka Premier League taariikhda ee 2000 oo gool ka dhalisa tartankan.

>- Weeraryahanka Norwich ee Teemu Pukki ayaa gacan ka geystay siddeed gool shantiisii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League, waxa uu dhaliyey 6 gool isagoo dhiibay ama dhigay 2 gool oo kale, tan iyo markaas waxa uu ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo ama caawiyo mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyey.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here