(Liverpool) 27 Okt 2019. Hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield caawa ku soo dhoweynaysa naadiga Tottenham, iyadoo wiilasha macallin Jurgen Klopp ay indhaha ku hayaan inay sii joogteeyaan guuldarro la’aanta xiriirka ah ee ay ku bilowdeen horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Merseyside-ka ayaa dhibcaheedii ugu horreeyey horyaalka xilli ciyaareedkan lumisay markii ay barbaro 1-1 la galeen Manchester United, taasoo soo gabagabaysay 17 kulan oo xiriir ah oo ay guulo soo gaareen horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 27 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 7:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Garoonka: Anfield

Wararka Kooxaha:-

Daafaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa diyaar ah kaddib xanuun uu qabay, halka daafaca kale Andy Robertson uu ka soo kabsaday dhaawac soo gaaray Arbacadii taasi oo ka dhigan in Reds ay heli karto caawa labada difaac ee dambeedyadda midig iyo bidix.

Xherdan Shaqiri ayaa weli sii joogtaynaya dhaawaca uu la maqan yahay, halka Joel Matip uu seegi karo kulankiisii saddexaad oo xiriir ah, maadaama uu dhibaato ka qabo jilibka, lamana heli doono ciyaartan weyn.

Tottenham ayaan qabin wax dhaawacyo cusub oo walaac ah, waxaana taasi kalsooni siinaysaa dhamman Taageerayaasha kooxda iyo kuwa mucaaradka ah ee neceb guusha kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Liverpool.

Hugo Lloris ayaa weli dhaawac ah, laakiin Ryan Sessegnon ayaa ka soo kabsaday dhibaato muruqa ah, waxaana laga yaabaa inuu ku lug yeesho markii ugu horreysay kulanka ay kooxdiisu wajahayso Reds.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxda Liverpool ayaa kaliya hal guuldarro la kulantay 13-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League ku wajahday Tottenham, waxaana ay ka haysataa 8 guul iyo 4 barbaro, guuldarrada kaliya waxa ay ka soo gaartay kulan 1-4 ku dhammaaday oo ka dhacay garoonka Wembley bishii October sanadkii 2017-kii.

>- Tottenham ayaa guul la’aan ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka bannaanka ku wajday Liverpool, (3 barbaro iyo 5 guuldarro), markii ugu dambeysay oo ay Anfield ku soo badiso waxa ay ahayd bishii May sanadkii 2011, markaasoo ay 2-0 ku soo badiyeen, waxaana ay goolashaas uga mahadcelinayaan Rafael van der Vaart iyo Luka Modric.

>- Liverpool ayaa guuleysatay labadii kulan oo ay horyaalka la ciyaartay Spurs xilli ciyaareedkii hore, sidoo kale waxa ay ku garaaceen iyaga final-ka Champions League oo ay uga badiyeen 2-0, markii ugu dambeysay oo ay afar kulan oo xiriir ah garaacaan Tottenham waxa ay ahayd intii u dhaxaysay 2013 illaa 2015 oo ay ka badiyeen shan kulan oo isku xigta.

>- Liverpool ayaa guuleysatay mid kasta oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League ku ciyaartay garoonkeeda Anfield,  markii ugu dambeysay oo ay guulo xiriir ah oo badan gurigeeda ku gaartay ciyaaraha sare waxa ay ahayd intii u dhaxaysay bilihii April iyo November sanadkii 1985-kii, markaasoo ay adkaadeen 13 kulan oo xiriir ah.

>- Tottenham ayaa guul la’aan ah tobankii kulan ee ugu dambeeyey oo ay bannaanka ku soo ciyaartay horyaalka Premier League, waxaana ay la soo kulantay 2 barbaro iyo 8 guuldarro, waxaana ku jiray guuldarradii 2-1 oo ay oo ka soo gaartay Liverpool bishii Maarso,  markii ugu dambeeyey oo ugu dheereyd ee aysan bannaanka ku soo badin waxa ay ahayd intii u dhaxaysay May 2000 illaa January 2001, markaasoo uu kooxda watay George Graham oo ay meel ka baxsan garoonkeeda ku soo adkaan weysay 14 kulan oo xiriir ah.

>- Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa gacan ka geystay todobo gool sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo uu wajahay Liverpool, 5 gool waa uu ka dhaliyey 2 kale waa uu ku dhiibay, yeelkeede Kane waxa uu ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo labadaba kulamadii Premier League ee uu wajahay Liverpool xilli ciyaareedkii hore, kaddib markii uu saddex goor shabaqa soo taabtay labo kulan oo uu wajahay iyaga xilli ciyaareedkii 2017-18.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here