Chelsea ayaa kulan xiiso leh ku ciyaareysa garoonka Turf Moor, waxeyna 2-0 ku hogaaminayaan kooxda Burnley kulan qeybtiisii hore ay soo dhamaatay, balse waxa kaliya ee ciyaartaas laga hadal heyn karo waxey tahay wacdaraha uu dhigay da’yarka kursiga keydka la dariska ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay ee Christian Pulisic.

Wiilka yar ee kasoo jeeda gobolka Pennsylvania ayaa kusoo bilowday kulanka hadda soconaya, wuxuuna qeybtii hore ciyaarta dhaliyay laba gool.

Xiddigii hore Borrusia Dortmund waxaa la xasuustaa inuu saameyn ku yeeshay guushii ay kooxdiisa ka gaartay UEFA Champions League todobaadkii lasoo dhaafay markaas oo ay 1-0 ku dileen kooxda Ajax.

Haddaba kulanka hadda soconaya waxaa looga diiwaan galiyay laba rikoor:

Christian Pulisic wuxuu noqday ciyaariyahankii 6-aad ee kala duwan isla markaana laba gool ama ka badan ka dhaliya kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana kaga horreeyay Roy Wegerle, Joe-Max Moore, Claudio Reyna, Brian McBride iyo Clint Dempsey.

Christian Pulisic wuxuu noqday xiddigii ugu horreeyay ee kasoo jeeda USA islamarkaana gool u dhaliya Chelsea kulamada horyaalka Premier League, sidoo kale waa ciyaariyahankii 36-aad ee kala dhalasho duwan oo tartankaan gool uga dhaliya kooxda Blues – marka laga reebo goolasha la iska dhaliyo (Kama gool)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here