Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa farriin u diray madaxda sarre ee kooxdooda iyaga oo ka dalbanaya saxeexa weeraryahanka Red Bull Salzburg ee Erling Braut Haaland oo markale wacdarro dhigay xalay.

19 sano jirkan ayaa ah mid wacdarro u dhigaya kooxdiisa kulamada horyaalka kaddib 11 gool oo uu uga soo dhaliyay horyaalka Austria Bundesliga isagoo sidoo kale shan gool caawiye ka ahaa.

Image

Image

Intaa waxa dheer in Haaland uu balaadhinayo xilli ciyaareedka Salzburg ee tartanka horyaalada Yurub, Labadii gool ee uu xalay la gaadhay shabaqa Napoli ayaa ka dhigaysa gool dhaliyaha ugu sarreeya tartanka ilaa haatan waxaana uu ku hoggaaminayaa lix gool.

Erling ayaa durtaba rekoodho samaysanaya isaga oo aad u yar waxaana uu noqday xiddigii ugu horreeyay abid ee lix gool kusoo dhaliya saddexda kulan ee ugu horreeya CL.

Si kastaba, Jamaahiirta United ayay ka go’antahay inay Haaland ku arkaan kooxdooda lana soo wareegto suuqa bisha January, Waxaanu halkan idiinku xusi doonaa qaar kamida qoraalada ay jamaahiirtu ku codsadeen in Solskjaer uu dib ula midoobo da’yarkan uu hore usoo tababaray.

Taageeraha koowaad ayaa yidhi “Haaland-ka Salzburg waxa uu u muuqdaa mid aad u hibo badan, Saxeex MUFC ah oo bisha January ah fadlan”.

Taageeraha labaad ayaa isna yidhi “Erling Braut Haaland…. Keena Manchester United fadlan”.

“United waxay u baahantahay inay waxkasta u bixiso Haaland January” Ayuu raacdsaday mucaashaqa saddexaad ee Man United ahi.

Taageeraha afraad ayaa isaguna yidhi “United waxay u baahantahay inay Haaland kala soo saxeexato Salzburg sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan, Wiilkan yari goolasha maad ahaan ayuu u dhaliyaa waxaana intaa dheer inuu Ole garanayo”.

“Erling Haaland waxa looga baahan yahay United, Ku keena kharash kasta oo uu yahay” Ayuu yidhi taageeraha shanaad.

Taageeraha lixaad ayaa isna dareenkiisa ku cabiray “Man United iyo Ole-gii qaaliga ahaayow, Fadlan socda oo Haaland keena January, Mahadsanidiin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here