(Europe) 24 Okt 2019. Waxaa daaha laga rogay shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii saddexaad ee toddobaadkan laga ciyaaray Champions League labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo lagu daawaday kulamo aad u xiiso badan sida caadiga aheyd ee aan kaga baranay tartankan xiisaha badan.

Haddaba shabakada caalamiga ah ee “Squawka” ayaa waxay soo bandhigtay shaxda kooxda ugu fiicneyd kulamadii saddexaad ee toddobaadkan laga ciyaaray Champions League, waxayna Real Madrid ku yeelatay kaliya hal ciyaaryahan, si la mid ah Barcelona ayaa ku yeelatay shaxdan hal ciyaaryahan, kaddib markii ay xalay guul dirqi ah ka gaartay kooxda Slavia Prague.

Kooxda reer London ee Tottenham Hotspur ayaa shaxda kooxda ugu fiican kulamadii saddexaad ee toddobaadkan laga ciyaaray Champions League waxay ku yeelatay 2 kursi, kaddib xasuuqii ay u geysteen naadiga reer Serbia ee FK Crvena Zvezda.

Haddaba xiddigaha ku soo baxay shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii saddexaad ee laga ciyaaray toddobaadkan Champions League ayaa kala ah:

Goolhaayaha: Fernando Muslera (Galatasaray).

Daafacyada: Renan Lodi (Atletico Madrid), Rakitskiy (Zenit), Stefan de Vrij (Inter Milan), Serge Aurier (Tottenham).

Khadka dhexe: Toni Kroos (Real Madrid), Chamberlain (Liverpool), Lionel Messi (Barcelona), Raheem Sterling (Manchester City).

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here