Hordhac Kulanka : Liverpool v Leeds United

0
57

Waxa berito dib u bilaabanaayo tarantankii xiisa iyo xamaasada badnaa ee Premier League  ,waxaase nasiib daro ah inaysan jirin Taageerayaal Garoonka Soo camiraayo. Leeds ayaa ku soo laabatay horyaalka ka dib markii uu maqneed  16 sano oo u dhiganto 5964 maalmood. . Liverpool ayaa dhalisay ugu yaraan seddex gool kulan kasta oo furitaan ah intii uu joogay  Jürgen Klopp.Liverpool v Leeds

Saturday 7:30pm Waqtiga Geeska Africa

Venue Anfield

Referee Michael Oliver

Wararka Liverpool ee ka hor Kulanka Leeds United:

Liverpool waxaa kulanka Leeds United ka maqnaan doona Alex Oxlade-Chamberlain kadib dhaawicii uu muddada la maqnaa laakiin Xherdan Shaqiri oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay dhaawac ku soo dhaaysatay ayaa markale ka sii maqnaan doona Reds kadib markii uu dhaawac muruqa ahi soo gaadhay.

Saxiixa cusub ee cusub ee Kostas Tsimikas ayaan heli doonin fursad uu kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League ugu ciyaaro Liverpool kadib markii laga daaweeyay caabuqa karoona wuxuuna seegi doonaa kulankan.

Jurgen Klopp ayaa ka fiirsan doona haddii uu nasin doono Joe Gomez oo ciyaaray dhamaan daqiiqadihii labadii kulan ee England ee Nations League inkasta oo uu ku qasbanaan karo Klopp in uu Gomez kula soo bilaabo Van Dijk si aanu halis u galin kooxdiisa Reds.

Mohamed Salah ayaa rajaynaya in uu markale taariikhda premeir League isku qoro isaga oo isha ku haya in uu gool dhaliyo kulankii afraad ee xidhiidh ah ee kulamada furitaanka Premeir League wuxuuna barbarayn karaa rekoodhkii Teddy Sheringham oo hore afar xili ciyaareed kulamada furitaanka u ahaa goolal ka soo dhaliyay.

James Milner oo ka hor iman kara kooxdiisii carruurnimo ee Leeds United ayay u noqon doontaa maalin muhiim ah kadib markii uu kooxda Leeds u soo ciyaaray 31 kulan oo Premeir League ah inkasta oo uu 16 sano jir kaliya ahaa.

Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa ku soo bilaabi kara xidiga aan wali mustaqbalkiisa la xalin ee Gini Wijnaldium kaas oo Barcelona lala xidhiidhinayo laakin Fabinho iyo Naby Keita ayaa booskooda heli doona.

Wararka Leeds United

Kooxda Leeds waxaa kulanka Anfield ka maqnaan doona Adam Forshaw kaas oo la dhibtoonaya dhaawac feedhaha ah waxaana sidoo kale taam ahaanshooda buuxa ka shaqaynaay Helder Costa iyo xidiga dhawaan kulankiisii ugu horeeyay ee England saftay ee Kalvin Phillips.

Xidiga ay Leeds United lacagtii abid ugu badnayd ka soo bixisay ee Rodrigo oo ka soo wareegay Valencia ayaa diyaar u ah in uu safto kulankiisii ugu horeeyay ee kooxdiisa leeds iyo Premier league kadib markii uu shaqo cajiib ah ka soo qabtay kooxda Valencia.

Keydaka LIVERPOOL

Subs from Adrián, Karius, Kelleher, Tsimikas, Matip, Hoever, Williams, Henderson, Wijnaldum, Grujic, Jones, Shaqiri, Wilson, Elliott, Minamino, Brewster, Origi

Injured Oxlade-Chamberlain (knee, Oct)

Keydaka LEEDS

Subs from Casilla, Alioski, Douglas, Bamford, Roberts, Shackleton, Strujik, Poveda

Doubtful None

Injured Berardi (knee, unknown), Forshaw (hip, unknown)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here