RASMI: Ra’isal Wasaaraha Ingariiska Oo Niyadjabiyay Kooxaha Premier League & Maamulka Premier League Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay

0
56

Ra’isal wasaaraha Ingariiska Boris Johnson ayaa xaqiijiyay in taageerayaasha Premier League inaysan ku soo laaban doonin garoomada bisha October sida qorshaha uu ahaa markii hore, islamarkaana ay garoomada albaabada u xirnaan doona muddo bilooyin kale ah.

Dowlada ayaa ka laabatay qorshihii hore ee ahaa in taageerayaasha loo ogolaado garoomada laga bilaabo 1da bisha October.

Ra’isal wasaare Johnson ayaa yiri: “Waa inaan garwaaqsano in faafida fayraska uu saameyn ku yeelanayo awoodeena aan dib ugu furi karno ganacsiyadeena, meelaha madadaalada iyo garoomada isboortiga.

“Sidaasi darteed ma awoodi doono inaan goobaha madadaalada iyo garoomada isboortiga dib u furno 1da bisha October, waana ogsoonahay saameynta ay ku yeelan doonto kooxaha isboortiga kuwaasoo ah ruuxda bulshadeena, waxayna dowladeyda ka shaqeyneysaa sidii aan ku caawin laheyn kooxaha isboortiga.”

Sida ay sheegtay BBC, garoomada kooxaha Premier League ayaa ka xirnaan doona taageerayaasha ilaa iyo bilowga sannadka cusub.

Dan Roan oo ah tifaftiraha BBC Sport ayaa Twitter ku soo qoray: “Uma maleynayo in go’aankaan danbe uu yahay mid waqti gaaban.

“Waxaan maqlayaa in dowlada ay weydiisan doonto kooxaha isboortiga inaysan taageerayaasha imaanin garoomada muddo bilooyin ah.

“Calaamadaha oo dhan waxay muujinayaan in garoomada ay albaabada u xirnaan doonaan ilaa iyo sannadka cusub laga gaarayo.”

Dan Roan wuxuu sheegay in kooxaha Premier League ay qasaari doonaan 100 milyan ginni bil walba oo aysan taageerayaasha soo xaadirin garoomada.

Warbixin ay soo saareen maamulka Premier League oo ay kaga jawaab celinayeen go’aanka Ra’isal wasaaraha Ingariiska iyagoo sheegay in ku soo laabashada taageerayaasha ee garoomada inaysan ka halis badneyn goobaha kale ee dadweynaha loo ogolaaday iyagoo cadeyn ka dhigtay horyaalada kale ee Yurub ee taageerayaasha kooban u ogolaaday garoomada.

“Premier League waxay ogaatay go’aanka dowlada maanta, inkastoo caafimaadka qaranka uu yahay muhiimada qof walba, waxaan ka niyadjabsanahay in dib loo dhigay in si badqab ah ay taageerayaasha ugu soo laabtaan garoomada.

“Maamulka Premier League wuxuu xaqiijinayaa in baaritaankii ay sameeyeen khubarada islamarkaana ay ogolaatay dowlada in lagu ogaaday in taageerayaasha oo ku soo laabta garoomada inay ka badbaado badan tahay goobaha kale ee dad weynaha loo ogolaaday. Waxaana taasi cadeyn u ah horyaalada kale ee Yurub.

“Kubada cagta ma ahan sideedii hore mar haddii ay ka maqan yihiin taageerayaasha. Taageero la’aan waa dhaqaale la’aan. Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kooxaha Premier League waxay qasaareen 700 milyan ginni, haatana waxay bil walba qasaarayaan 100 milyan ginni.

“Go’aankaan cusub wuxuu saameyn xun ku yeelan doonaa kooxaha iyo bulshooyinka ay ka dhisan yihiin.

“Waxaan kalsooni ku qabnay kooxaha Premier League oo ilaalinaya sharciga xakameynta Fayraska Korona inay awoodi lahaayeen in taageerayaasha ay si badbaado leh ugu soo laabtaan garoomada islamarkaana dhaqaalaha uu dib u soo kabsan lahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here