Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay si dhow isha ugu hayaan xaalada heshiiska Leroy Sane ee kooxda Bayern Munich, iyadoo kooxaha La Liga doonayaan saxiixa xiddiga.
Xiddiga reer Germany ayaa galaya labadii sano ee ugu dambaysay heshiiskiisa kooxda Bayern Munich kaas oo uu saxiixay markii uu kaga soo biiray Man City xagaagii 2020.
Sane ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Bayern xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay lix gool 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 5 gool oo uu ka dhaliyay Bundesliga.
Barcelona iyo Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay xiiso wakhti fog ah u hayaan xiddiga reer Germany waxana ay doonayaan in ay helaan saxiixiisa suuqa xagaaga dambe.
Labada kooxood ayaa la filayaa in ay si toos ah ugu dagaalamaan saxiixa xiddiga si ay ugu guulaystaan saxiixiisa.
Related