Xidhiidhka Premier League ayaa lagu soo waramayaa in ay diideen codsii Liverpool ee ahaa in dib loogu celiyo kulankii Tottenham ee Premier League.
Kulankii ka dhacay garoonka Tottenham ayay hadhaysay ceeb weyn kadib khalad ay galeen garsoorayaashii Joogay VAR iyada oo si khaldan loo diiday Goolkii uu dhaliyay Luis Diaz.
Xidhiidhka garsoorayaasha ayaa xitaa soo gudbiyay codkii dhexmaray garsoorayaasha kala duwan ee VAR iyo waliba kuwa garoonka ku jira.
Liverpool ayaa kadib markii ay dhagaysteen codka garsoorayaasha codsday in kulanka dib loogu celiyo lana ciyaaro mar kale.
Si kasta ha ahaatee Prmeier League ayaa diiday codsiga Liverpool iyaga oo ku adkaystay in natiijadu tahay mida ay ku dhamaatay.

Related



Source link