Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa sheegay in uuna marna ka shaqi qabin kooxdiisa Man City kadib markii ay ka soo laabteen laba guuldaro oo xidhiidh ah iyaga oo ka badiyay RB Leipzig haatana u miciyo lisanaya Arsenal.
Kooxda Man City ayaa todobaadkii hore dusha laga saaray 2 guuldaro iyaga oo laga kala badiyay Carabao cup-ka iyo Premier League.
Arbacadii ayay ahayd markii ay Man City ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda RB Leipzig kulan ka tirsanaa champions League.
City ayaa haatan la ciyaari doonta Arsenal kulan ka tirsan premier League Axada waxana uu digniin u diray kooxda Arsenal.
Markii la waydiiyay qaab ciyaareedka fiican ee ay soo bandhigeen ka hor kulanka Arsenal Guardiola ayaa u sheegay”Haa, laakiin anigu kooxdayda kuma qiimaynayo Natiijada”.
“Kulamadii Newcastle iyo Wolves waxa laga yaabaa in ayna ahayn kulamadii ugu fiicnaa laakiin ma ahan wax fudud in aad la ciyaarto koox 10 xiddig ku difaacanaysa”.
“Haatan waxa aan Arsenal la tagaynaa qaba ciyaareedkeena ugu fiican waxana aan dareemayaa in ayna noqon doonin koox fudud”.

Related



Source link