Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Barcelona la ciyaartay kooxda Porto ee ka tirsan tartanka Champions League.
Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Porto iyaga oo guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah ka gaadhay tartanka wareega Group-yada.
Robert Lewandowski ayaa la bedelay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana xaalad walaac ah ay soo food saartay kooxda Barcelona kuwaas oo ka cabsi qaba in uu dhaawac ka maqnaado muddo dheer.
Wargeyska MARCA ayaa tilmaamay in Robert Lewandowski uu Barcelona ka maqnaan doono muddo ka dib markii uu dhaawac canqowga ah soo gaaray.
Wargayska ayaa intaa ku daray in ilaa hadda aan la garanayn inta uu la egyahay dhaawaca soo gaadhay Lewandowski Iyada oo tijaabo la marin doono dhaawaca xiddiga.
Wargayska ayaa intaa ku daray in Robert Lewandowski uu si weyn u seegi doono kulamada soo socda ee Barca ay la ciyaari doonto Granada Axada soo socota, iyo Athletic Bilbao 22-ka October.

Related



Source link