Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Feyenoord Quinten Timber ayaa lagu soo waramayaa inuu soo jiitay indhaha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal, sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa Netherlands.
22-sano jirkaan oo mataano la ah daafaca Arsenal Jurrien Timber ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Ajax laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu u safto kooxda koowaad ee Amsterdam ka hor inta uusan u dhaqaaqin FC Utrecht.
Qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay ayaa keentay in uu xiddigu ku soo biiro kooxda Feyenoord xagaaga waxana uu kooxda ka caawiyay in ay guulo muhiim ah gaadho xilli ciyaareedkan.
Timber ayaa 31 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana uu diiwaan geliyay seddex caawin, oo ay ku jiraan lix kulan oo Europa League ah.
Sida laga soo xigtay 90min, Timber qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo Premier League ah, iyadoo Man United, Liverpool iyo Arsenal ay dhamaantood xiiso u muujiyeen.
Related