Wakiilka Moises Caicedo ayaa qirtay in Brighton ay aad u doonaysay in ay Liverpool ka iibiso xiddiga khadka dhexe.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ecuador ayaa ugu dambeyntii u saxiixay Chelsea kadib markii ay saxiixiisa ku garaaceen Liverpool.
“Xagaagii waxaan isku aragnay xaalad aad u adag,” Manuel Sierra ayaa dib u soo celiyay Sky Sports.
“Waxaan balan siinay chelsea si uu Moises u noqdo ciyaaryahan chelsea ah laakiin si lama filaan ah ayay Liverpool u soo gashay tartanka”.
Waxa uu intaasi ku daray “In muddo ah waxa aanu ku jirnay xaalad jahawareer ah, madaxeena ayaa wareeray, ma aanan hubin go’aanka aan qaadanayno, Kadib maamulka Brighton waxa uu sheegay Moises in uu aado tijaabada caafimaadka Liverpool, lama filaan ayay nagu noqotay”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Brighton waxa ay siisay Jurgen Klopp ogolaansho ah in ay wada xaajood la galaan Moises. Laakiin dhamaanteen si fiican ayaan bilowgiiba u fahannay in haddii ay Chelsea ku soo celiso dalabka Liverpool in Moises uu aadi doono London, waxaan doonayaa in aan carrabka ku adkeeyo in Caicedo uu u ballan qaaday Chelsea in uu u soo guuri doono London”
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay, “Sidaas darteed, markii Liverpool ay soo bandhigtay dalab, waxaan ka codsanay maamulka Brighton inay sugaan oo ay arkaan haddii Chelsea ay sameyn doonto dalab la mid ah ama ka badan oo cajiib ah.”

Related



Source link