Tababaraha Galatasaray Okan Buruk ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inay bartilmaameedsadaan Casemiro habeenkii Salaasada ee ay 3-2 kaga badiyeen Manchester United Champions League.
Kooxda Erik Ten Hag ayaa guul ka gaadhi kari waayay kulanka oo ka dhacay Old Trafford waxana haatan laga badiyay 2-dii kulan ee ugu horeeyay ee champions League.
Waxa la arkay xiddigaha Galatasaray oo marar badan ku uruuriyay Casemiro marka uu kubada hel.
Buruk ayaana xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay bartilmaameedsadaan Casemiro.
“Waxa aan doonaynay in aan cadaadis saarno Casemiro anaga oo adeegsanayna Lucas Torriera”ayuu Buruk yidhi.
 

Related



Source link