Mikel Arteta iyo William Saliba ayaa labadoodaba difaacay David Raya ka dib markii goolhayaha uu baas qalad ah sameeyay taasoo keentay In kooxda Lens dhaliso goolkii ugu horeeyay kulankii ay guuldarada lama filaanka ah kala kulmeen champions League.
Gunners ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta ka hor inta ayna Lens dhalin 2 gool sidaasna dusha ugu saarin guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka.
Inkasta oo ay Arsenal ahayd kooxda fiican ciyaarta hadana Lens ayaa heshay 3-da dhibcood ee ciyaarta.
Goolkii bar-baraha ee Lens ayaa yimid kadib markii Raya uu dhiibay baas khalad ah kaas oo keentay in kooxda Lens dhaliso goolka bar-baraha.
markii la waydiiyay khaladka Goolhayaha Arteta ayaa yidhi”Way ka dhacdaa kubada cagta, Khaladku waa qayb ka mid ah kubada cagta”.
Daafaca dhexe ee Saliba ayaa isna yidhi”Khaladku waa qayb ka mid ah kubada cagta, Raya waa ciyaartoy fiican”

Related



Source link