Erik ten Hag waxa uu haystaa taageerada buuxda ee Maamulka Man United kuwaas oo aaminsan in uu yahay ninka ku habboon shaqada Old Trafford.
Tababaraha reer Netherlands ayaa Man United ku hogaamiyay xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa iyaga oo laga badiyay 6 ka mid ah 10-ka kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan.
Guuldaradii ugu dambaysay ee ay Man United la kulantay ayaa ahayd Guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Galatasaray kulan ka dhacay Old Trafford.
Man United ayaa ku jirta xaalad adag waxana jira shaki ku jira mustaqbalkiisa xilli ay kooxdu aad u dhibaatoonayso.
Laakiin sida laga soo xigtay Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in uu Ten Hag haysto taageerada buuxda ee Maamulka Man United.

Related



Source link