Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa difaacay Goolhaye Andre Onan kadib khaladkii waalida ahaa ee uu sameeyay kulankii Galatasaray.
Inkasta oo 2 jeer hogaanka u qabatay ciyaarta Hadana Man United ayaa guuldaro kala kulantay kulanka champions League.
Goolhaye Onana ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii uu ku bilowday shaxda Man United iyada oo laga dhaliyay 18 gool.
Ten Hag ayaa wax walba u sameeyay sidii uu ula soo saxiixan lahaa Goolhayaha isaga oo ku badalay David De Gea.
Onana ayaa mar kale khalad sameeyay kulankii Galatasaray isaga oo sababa u noqday in kooxdiisa laga badiyo kulankii 2-aad oo xidhiidh ah Champions League.
“Waa in aan la hadlo xiddigo badan, dabcan waxa ku jira Andre”ayuu Ten Hag yidhi.
“Waan taageeri doonaa, waa Goolhaye Fiican, waa in aan iska indha-tirno oo aan horay u socono”.
“Hadii aad khalad samayso ha u ogolaan in ay hoos u dhigaan qaab ciyaareedkaaga waa in aad horay u socotid”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link