Kooxda Barcelona ayaa guushii 2-aad ka gaadhay champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Fc Porto kulan ka tirsan wareega Group-yada.
Barcelona ayaa ciyaaraysay kubad maamul ah iyaga oo si fiican u ciyaarayay kana awood badnaa kooxda reer Portugal.
Kooxda Fc Porto ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.
Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 45+1-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo labada kooxoodba si fiican u ciyaareen laakiin Barcelona hogaaminayso.
Qaybta dambe ayay kooxda Fc Porto wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Barcelona ayaa difaac fiican gashay.
Kooxda Fc Porto ayaa dhalisay gool laakiin waxa looga diiday sabab la xidhiidha Offisde ciyaarta ayaana sii ahaatay 1/0.
Daqiiqadii 90+2-aad ayaa Barcelona looga taagay kaadhka cas xiddiga da’yarka ah ee Gavi kaas oo loo taagay kaadhkii 2-aad ee digniinta ahaa.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaara oo ay Barcelona guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Fc Porto isla markaas gaadhay guushii 2-aad oo xidhiidh ah tartanka.
Dhinaca kale kooxda Man City ayaa sii wada difaacashada tartanka iyaga oo guul ka gaadhay kooxda RB Leipzig kulan xiiso lahaa.
Foden ayaa Man City u dhaliyay goolka daqiiqadii 25-aad laakiin waxa ay daqiiqadii 48-aad RB Leipzig u suurtagashay in ay dhaliso goolka bar-baraha.
Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 84-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alvarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man City ku badisay.
Daqiiqadii 90+2-aad ayay Man City hurdo u dirtay ciyaarta waxana goolka 3-aad dhaliyay xiddiga Jeremy Doku kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sii wadato difaacashada koobka ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore.
Related