Weeraryahankii hore ee Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa su’aal galiyay mustaqbalka tababare Erik ten Hag.
Tababaraha reer Holland ee Ten Hag ayaa ka tagay Ajax kuna biiray United xagaagii hore waxaana uu kooxda Old Trafford ku hogaamiyay Carabao Cup isagoo sidoo kale xaqiijiyay u soo bixitaanka Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, Ten Hag ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya 9 dhibcood ka helay 7-dii kulan ee xilli ciyaareedkan.
Hadda, weeraryahankii hore ee United Ibrahimovic ayaa su’aal galiyay mustaqbalka Ten Hag ee kooxda Man United.
“In aad ka tagtid Ajax kuna biiritid Man United waa farqi weyn, waan joogay labada kooxoodba, waxa aad maraysaa edaab kala duwan, Ajax waa koox tayo leh waxa ay haystaan xiddigaha ugu fiican kooxda laakiin ma lahan xiddigo waaweyn”.
“In tababare hogaaminayay xiddigo tayo leh oo fiican uu hogaamiyo xiddigo waaweyn waa arin aad u adag”.
 

Related



Source link