Erik ten Hag ayaa shaxdiisa dib ugu soo celin kara xiddiga khadka dhexe ee Hannibal Mejbri kulankooda champions League ee ay la ciyaari doonaan Galatasaray.
United ayaa Old Trafford ku marti galinaysa kooxda reer Turkey waxana ay aad ugu baahanyihiin guul ay ku nooleeyaan rajadooda wareega tartanka champions League.
Red Devils ayaa laga badiyay kulankii hore ee furitaanka champions League waxana ay doonayaan in ay gaadhaan guushii ugu horaysay ee tartanka.
Xiddiga Amrabat ayaa la filayaa in uu sii ahaado daafaca Midig iyada oo kooxdu wali ku dhibaatoonayso daafaca.
Xiddiga Hojlund ayaa la filayaa in uu hogaamiyo weerarka kooxda Man United isaga oo ka garab ciyaari doona Rashford iyo Mount.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo shaxda ay United kaga qayb gali karto kulanka:

Related



Source link