Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Napoli kulan ka tirsanaa kulamada 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.
Napoli ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay Real Madrid ku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.
Daqiiqadii 19-aad ayay Napoli dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Leo Skiri Ostigard kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Real Madrid ayaa bilowday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay doonayeen in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay samaynayeen fursado halis ah.
Daqiiqadii 27-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Vinicius Jr kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1
Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay doonayeen in ay sii wataan cadaadiska ay hayaan waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolal kale.
Daqiiqadii 34-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Jude Bellingham kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Real ku hogaaminayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta kuna fiicantahay.
Qaybta dambe ayay Napoli ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay ciyaarta ku soo laabtaan waxana ay samaynayeen fursado aad u fiican.
daqooqadii 54-aad ayay Napoli dhalisay goolkabar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Piotr Zielinski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Real Madrid ayaa mar kale bilowday in ay raadiso goolal kale iyaga oo doonayay in ay dhaliyeen goolal kale.
Daqiiqadii 78-aad ayay Real Madrid heshay goolka 3-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay Goolhayaha Napoli ee Alex Meret kaas oo hogaanka u dhiibay Real Madrid.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah tartanka champions League.
Related