Kooxda Man United ayaa guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah kala kulantay champions League.
Man United ayaa lagu garaacay Old Trafford iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda reer Turkey ee Galatasaray.
Kooxda Ten Hag ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda reer Turkey.
Man United ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Laakiin kooxda Galatasaray ayaa jawaab fiican ka bixisay goolka laga dhaliyay waxana ay sameeyeen fursado is daba joogta.
Daqiiqadii 23-aad ayay Galatasaray dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Wilfried Zaha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 1/1 ah oo ay labada kooxood ku kala bexeen.
Man United ayaa mar kale si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal.
Daqiiqadii 67-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay United ku hogaaminayso ciyaarta.
Galatasaray ayaa daqiiqadii 71-aadba dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Muhammed Kerem Aturkoglu kaas oo mar kale ciyaarta ka dhigay 2/2.
Kooxda Galasaray ayaa rikoodhe heshay daqiiqado kadib laakiin waxa khasaariyay xiddiga Mauro Icardi kaas oo kooxdiisa ka khasaariyay fursad.
Waxa ay Man United kaadhka cas ku wayday xiddiga Casemiro kaas oo loo taagay kaadhka cas.
Daqiiqadii 81-aad ayay Galatasaray dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Icardi kaas oo hogaanka u diibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 3/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Galatasaray kooxda Man United dusha u saartay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah champions League.

Related



Source link