Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Pedro Neto si uu badal ugu noqdo Mohamed Salah.
Liverpool ayaa haatanba sii ogsoon in uu Salah ciyaarayo sanadkiisii ugu dambeeyay ee kooxda iyada oo laga yaabo in uu aado horyaalka sucuudiga.
Klopp ayaa aaminsan in uu Pedro Neto noqon karo xiddig buuxin kara kabaha uu baneeyo Mohamed Salah suuqa xagaaga dambe.
Sida laga soo xigtay FootballTransfers, Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay Wolves kala soo wareegto xiddiga Neto.
Xiddiga reer Portugal ayaa ku bilowday si cajiib ah isaga oo dhaliyay hal gool waxana uu caawiye ka noqday 2 kale xilli ciyaareedkan.
Heshiiska Neto ayuu 2 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa uu kula jiro kooxda Wolves.

Related



Source link