Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United marka la gaadho suuqa January.
Sancho, oo 23 jir ah, ayaa laga saaray tababarka kooxda koowaad ka dib markii uu diiday inuu raaligelin siiyo tababare Erik ten Hag ka dib markii ay isku dhaceen.
Xiddiga reer England ayaan u ciyaarin kooxda tan ilaa kulankii uu seegay kulankii Arsenal ee ka hor fasaxii ciyaaraha caalamiga ah.
Man United ayaa dhawaan sheegtay in ay tababarka kooxda 1-aad ka ganaaxeen xiddiga oo uuna ku soo laaban doonin ilaa uu raali galin siiyo tababaraha.
Haatan waxa la sheegayaa in uu Sancho isaga tagi doono doono kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.
Saxafiga Florian Plettenberg ayaa sheegaya in heshiis amaah ah ay tahay mida ugu suurtagashan ee uu xiddigu kaga tagi karo Man United

Related



Source link