Tababarihii hore ahna Halyeeyga kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in uu la yaabay go’aankii ay maamulka kooxdu ku iibiyeen xiddiga Fikayo Tomori wakhtigiisii hore ee kooxda chelsea.
Lambard ayaa laba jeer tababare ka noqday kooxda chelsea isaga oo qaybtii hore si fiican ugu shaqeeyay kooxda.
Waayihiisii hore Lampard ayaa ku tiirsanaa xiddigaha da’yarka ah ee kooxda kana mid ahaayeen Mason Mount, Tammy Abraham, Callum Hudson-Odoi, Andreas Christensen & Billy Gilmour.
Tomori ayaa ka mid ahaa xiddigaha da’yarka ah ee kooxda Lampard ayaana doonayay in uu sii haysto xiddiga laakiin waxa uu la yaabay in ay maamulka kooxdu iska fasaxeen xiddiga.
“Hadii aad ka fikirto, aad ayaan ula yaabay”ayuu Lampard u sheegay Sky Sport.
“Waxan doonayay in ay xiddigaha da’yarka ah ee Akademiyadu sii joogaan kooxda gaar ahaan Fikayo Tomori ayaan doonayay in aan sii haysto laakiin waxa ay maamulka kooxdu go’aansadeen in ay iibiyaan”.

Related



Source link