Kooxda Arsenal ayaa guuldaradii ugu horaysay kala kulantay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda LENS ayaa garaacday Gunners kulan xiiso lahaa oo ay kooxda reer France si fiican u ciyaartay.
Gunners ayaa ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro isla markaas maamulayay ciyaarta.
Kooxda LENS ayaa dhinaceeda ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinayeen Arsenal.
Daqiiqadii 14-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Laakiin kooxda LENS ayaan ka niyad jabin goolka laga dhaliyay waxana ay samaynaysay fursado cajiib ah ah.
Daqiiqadii 25-aad ayay LENS Dhalisay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Adrien Thomasson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ah.
Waxa ay labada kooxood qaybta hore ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah xilli ay Gunners wax walba u samaysya sidii ay u dhalin lahayd goolal.
Qaybta dambe ayay Kooxda LENS ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda Arsenal kuwaas oo u muuqday kuwo lunsan.
Daqiiqadii 69-aad ayay LENS dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Elye Wahi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link