Xiddiga kooxda Liverpool ee Alexis Mac Allister Ayaa ku digtay kooxda Tottenham kadib kulankii Sabtidii.
Liverpool ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Garsooraha ciyaarta ayaa kaadhka cas u taagay laba xiddig oo Liverpool ah intii ay socotay ciyaartu.
Ciyaarta kadib xiddiga Tottenham ee Christian Romero ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir uu ugu dabaal-dagayo ciyaarta.
Romero ayaa ku qoray baraha bulshada”Tani waa ruuxda kooxda, waana qalbi aan hayno, waan u dagaalamaynaa si wada jir ah”ayuu qoray.
Laakiin xiddiga Liverpool ee Mac Allister ayaa si baas ugu digtay uguna jawaabay xiddiga ay isku xulka yihiin.
Mac Allister ayaa u qoray”Sida caadiga ah marka aad 12 xiddig ku ciyaaraysaan”. isaga oo u jeeda Garsoorihii ciyaarta oo loo arkay in uu si gaar ah u bartilmaameedsanayo xiddigaha Liverpool.

Related



Source link